|
Waxaa guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ku nool Gobolada Koofureed lagu war gelinayaa in Jaamacadda Gedo oo ku taal magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ay qaadaneyso arday iyo macalimiin cusub sanad dugsiyeedka 2011/2012. Sanad dugsiyeedka wuxuu bilaabanayaa bisha September, 2011. Is-qoristu way bilaabatay kuraastuna way xaddidan tahay, sidaas darteedna waxaa ardayda lagu wargelinayaa inay is-qoraan inta aysan kuraasta ka buuxsamin.
Jaamacada waxaa kale oo ay qaadaneysaa macalimiin qibrad u leh maadooyinka ay dhigayaan, waxaana lagu wargelinayaa macalimiinta daneynaya iney soo gudbiyaan CVgooda. Sanadka koowaad waxaa maadooyin kala duwan bixin doona kuliyadaha Jaamacada oo ay ka mid yihiin: College of Education, school of Nursing, Department of Business Management and Institute of languages (Somali, Arabic and English).
Lixda bilood oo ugu horeysa, ardaydu waxay dhigan doonaan (preparatory courses) oo ay ka mid yihiin languages, math, physics, biology and chemistry intaysan bilaabin maaddooyinka rasmiga ah. Tani waxaa looga gol leeyahay in kor loogu soo qaado aqoonta luuqadeed iyo xisaabeed ee ardayda. Haddaba waxaa loo baahan yahay macalimiin dhiga maaddooyinka aasaasiga ah oo lagu diyaarinaayo ardayda.
Jaamacada Gedo oo markii hore ku shaqeyn jirtay guri kiro ah ayaa hadda u soo guurtay xarun cusub oo ay iyadu leedahay. Xarunta cusub waxay ka kooban tahay lecture halls, secretarial and managerial offices, library, computer lap, examination hall, conference and seminar halls, the office of registerer, washrooms (boys and girls) sports field, study areas and much more.
Jaamacadu waxey bixineysaa bachelor degrees, diplomas and certificates. Shanta sano ee soo socda haddii alle idmo waxaa ku soo siyaadi doona maadooyinka soo socda.
Wixii faahfaahin oo intaa dheer ah waxaad kala soo xiriiri kartaa:
Tel: +252615202433, email:
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
ama booqo websiteka Jaamacada at www.uofgedo.com
News>>>>>
- Jaamacada Gedo oo arday cusub iyo macalimiin qaadanaysa sanad dugsiyeedka 2011/2012
- Jaamacadaha Gedo iyo Muqdisho oo heshiis is-fahan wax wada qabsi ah kala saxiixday
- Chancellorka Jaamacada Gedo iyo wafti uu hogaaminayey oo booqasho kala bixiyey Jaamacadaha Burco, Amoud, Hargeysa iyo Gollis
- Jaamacadaha Gedo iyo Amoud oo heshiis is-fahan wax wada qabsi ah kala saxiixday
Mushruucii Dhismaha Jaamadda Gedo oo bilowday iyo Websitekii Jaamacadda oo la daah-furay

Waxaanu ku faraxsnahay inaan dadkii dhaqaalaha ku bixiyey dhismaha Mushruuca Jaamacadda Gedo ee Degmadda Baardheere ku wargelino inuu dhismihii bilowday. Tani waa markii ugu horeysay taariikhda oo ay dadka ku nool goboladda koofur galbeed ee Soomaaliya ay fursad u helaan waxbarashadda tacliinta sare oo laga hergeliyo deeggaanadooda. Taabbo gelinta mashruucan tacliinta sare wuxuu yimid ka dib markii in muddo ah lagu gudo jirey wata tashiyo iyo dhaqaale uruurin ay ka qeyb qaateen bulshadda Somaaliyeed fadhigooda. Mashruucan Jaamacadda waxaa maalgelintiisa, fulintiisa iyo sii wadidiisaba iska leh dadka Soomaaliyeed oo xaqiiyiyey inay suurto gal tahay iney ammuurahooda daakhiliga ah maareeyn karaan iyaga oo aan ku tiirsanaan,ama ku tashin taageero shasheeye. Illaah mahad ha gaarto. Xogta iyo macluumaadka Jaamacadda Gedo waxaa laga heli karaa www.uofgedo.com
Qasaaraha ugu weyn oo uu dagaalka sokeeyo ee Soomaaliya keenay waxay aheyd bur-burkii ku yimid heerarka kala duwan ee waxbarashadda sida iskuuladdii, manhajkii iyo macalimiintii. Markii la iisu geeyo nadaamkii waxbarashadda dhexe oo meesha ka baxay iyo dadkii waxbartay oo iyana dalka isaga haluulay sababo la xariira shaqo la’aan iyo colaadaha awgood, waxay yareesay amaba meesha ka saartay fursadda dadku iskuulada ku aadi karaan. Tani waxay sadaal xaqiiqo ah iyo mustaqbal madow u tahay guud ahaan dalka Soomaaliya. Waxaa kale oo iyana jira in hab-nololeedkii dadka Somaaliyeed uu isbedelay oo dadka hadda waxay ku noo yihiin magaalooyinka. In magaalo lagu noolaadana waxay u baahan tahay xirfad lagu shaqeysto, xirfadaasna waxay la timaadaa culuunta sare. Haddii Soomaaliya ay tahay inay ka soo kabato qaran dunka iyo dib-u-dhaca dhanka horumarka ah, waan in maalgelin aan loo kala harin lagu sameeyaa waxbarashadda heerarkeeda kala gedisan.
Muhiimada waxbarashada sare waxaa laga dheehan karaa farqiga u dhexeya waddamada horumaray iyo kuwa saboolka. Farqigaas ma aha kheyraadka ku jira dhulkooda balse wuxuu salka ku hayaa heerka tacliinta sare ee dadkooda, addeegsiga sancadda cusub iyo ku taagnaanta hannaanka dowlad wannaagga. Taasi waxaa daliil u ah dadka ku nool qaar ka mid ah waddamada ugu kheyraadka badan addunka oo u badan Afrikada madow ay yihiin kuwa ugu saboolsan adduunka sababo la xariira tacliinta dadkaas oo hooseysa iyo maamul xumaan baahsan. Dhinaca kale, bulshooyinka ku nool dalal aan kheyraad dabiici ah laheyn ayaa ah kuwa ugu horumarsan, dadkooduna ugu noolal fiican yihiin sababo laxariiiro maamul wannaag, sancada sare iyo maalgelin lagu sameeyay tacliinta aassaasiga ah iyo midda sare awgeed. Sidaas oo kale bulshooyinka caalamku waxay ku tiirsanaan doonaan sancada cusub tasoo la timaadda culuunta sare. Sidaas oo kale tacliinta sare waxaa la yimaada hannaanka dowlad wanaagga. Waayo aragnimada laga dhaxley dowladaha Africa, Ashiya iyo Latin America waxay na barayaan in dadka oo aan wax la barin, dowlad wanaagsan la’aanteed, sharciga oo aan lagu dhaqmin iyo baahida muwaadiniinta oo aan laga jawaabin aysan mucaawimo shasheeye inta ay doontaba ha la ekaatee dalna ku toosin karin tubta toosan ee huromarka . Culuunta sare iyo hannaanka dowladda wanaagsan waxay dhammaan muwaadiniinta siinayaan fursad ay ugu qeyb qaataan horumarka mustaqbalka dadka iyo dalkooda dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo bulsho ahaanba. Markii ay muwaadiniintu helaan fursadaas, maankooda iyo qalbigooduna aqbalo, xadduud ma laha heerka ay horumarka ka gaari karaan.
Waa inaan maanka ku haynaa, maalgelinta barnaamijkan inuu yahay maalgelinta mustaqbalka dhulkeena iyo caruurteena maxaa yeelay tacliintu waa aasaaska nabadgelyada aadanaha, horumarinta bulshada iyo furaha la dagaalanka macluusha, aqoon darridda, cudurada, qabyaaladda, iyo musuqmaasuqa. Aqoontu waa daawada ilaalinta bay’ada, daryeelka deegaanka, koritaanka iyo joogteynta dhaqaalaha, iyo bidhaaminta mustaqbal nuur leh iyo yadadiilo gelinta dadka . Waa furaha nabad ku wada noolanshaha, xasiloonaanta, khilaaf bixinta murunka iyo qalalaasaha.
Jaamacadda Gedo waxey kaalin muuqata iyo door muhiim ah ka qaadaneysaa sidii loola dagaalami lahaa saboolnimda, cuddurada iyo aqoon la’aanta iyada oo dadka ku hubeynaysa xirfadihii ay ku shaqeysan la haayeen. Waxaa kale oo ay horseed ka noqoneysaa kobcinta dhaqaalaha, ilaalinta bay’ada, horumarinta culuunta arrimaha bulshada iyo barashada hannanka dowlad wannaagaa oo haatan baahi weyn loo qabo. Mahad Ilaahay bay u sugnaatey. Waxaan si gaar ah ugu mahad celinaynaa dadkii sida qalbiga furan jeebabkooda u furey, waqtigooda, maskaxdooda iyo xoolahoodana aan la bakheylin. Waxaan lee nahay Illaahey xoolahiina iyo qoysaskiinaba ha xafido. Aamiin!
Ali Malaaq Ahmed
Chancellor, University Of Gedo
Email:
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
www.uofgedo.com
Tel:+2524360001
Previous
Jaamacada Gedo oo arday cusub iyo macalimiin qaadanaysa sanad dugsiyeedka 2011/2012
Jaamacadaha Gedo iyo Muqdisho oo heshiis is-fahan wax wada qabsi ah kala saxiixday
Chancellorka Jaamacada Gedo iyo wafti uu hogaaminayey oo booqasho kala bixiyey Jaamacadaha Burco, Amoud, Hargeysa iyo Gollis
Jaamacadaha Gedo iyo Amoud oo heshiis is-fahan wax wada qabsi ah kala saxiixday
Read more
Mushruucii Dhismaha Jaamadda Gedo oo bilowday iyo Websitekii Jaamacadda oo la daah-furay
Waxaanu ku faraxsnahay inaan dadkii dhaqaalaha ku bixiyey dhismaha Mushruuca Jaamacadda Gedo ee Degmadda Baardheere ku wargelino inuu dhismihii bilowday. Tani waa markii ugu horeysay taariikhda oo ay dadka ku nool goboladda koofur galbeed ee Soomaaliya ay fursad u helaan waxbarashadda tacliinta ... Read more More2010-10-22 15:18:31 More news coming soon.. Read more Next
Read More
THE UNIVERSITY OF GEDO CONSTRUCTION PROJECT

|